Madaxweyne Erdogan oo dhaartay kadib weerarkii shalay lagu soo qaaday Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in “weerarkii argagaxa lahaa” ee lagu qaaday xarumaha warshadaha diyaaradaha difaaca ee Turkiga (TAI) ee ku yaal caasimadda Ankara uu dhab ahaantii bartilmaameedsaday “badbaadada, nabadda iyo dadaallada difaaca ee dalka”. 

“Weerarka argagixisanimo ee ka dhanka ah TAI, oo ah mid ka mid ah shirkadaha difaaca Turkiga, waa weerar fool xun oo lagu bartilmaameedsanayo badbaadada dalkeena, nabadda qarankeena, iyo dadaalladayada difaaca kuwaas oo calaamad u ah fikraddayada ‘Madax-bannaanida buuxda ee Turkiga,” ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan oo la hadlayay X.

“Laga soo billaabo daqiiqaddii ugu horeysay ee weerarka argagixisanimo, ciidamadeena ammaanku waxay si dhakhso ah u soo farageliyeen oo ay ka takhaluseen argagixisada,” ayuu yiri.

“Qarankeennu waa inuu ogaadaa in gacmaha wasakhda ah ee Turkiga u fidinaya ay hubaal tahay in la jebin doono; ma jiro qaab dhismeed, urur argagixiso, dhidibo shar ah oo amnigeena lagu beegsanayo ma awoodaan inay gaaraan hadafkooda.” 

“Dagaalka aan kula jirno dhammaan noocyada khataraha argagixisada iyo taageerayaashooda waxay ku sii socon doonaan go’aan, xalin iyo qaab dhinacyo badan leh,” Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay. 

Madaxweynaha Turkiga oo tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaas. 

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay xarun ay leedahay shirkad duulimaad oo ku dhow caasimadda Turkiga ee Ankara, sida ay masuuliyiintu xaqiijiyeen. 

Wasiirka arrimaha gudaha Ali Yerlikaaya ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato, isla markaana labada qof ee weerarka soo qaaday oo kala ahaa “Naag iyo nin la toogtay”. 

Sawiradii ugu horeeyay ee uu soo bandhigay kanaalka NTV ayaa ahaa qiiq aad u badan oo ka hor taluumayay albaabka laga galo warshadaha duulimaadyada sare ee Turkiga ee loo soo gaabiyo magaceeda (TAI), oo ku taalla meel 40km ka baxsan caasimada. 

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay ka dambeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK.