BOOLISKA oo soo saaray digniin culus oo ku socoto reer Muqdisho – Maxay tahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socota bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Digniinta booliska ayaa si gaar ah ugu socotay mulkiilayaasha gaadiidka ayaa waxaa lagu faray inay sida ugu dhaqsaha ugu soo wargeliyaan laamaha amniga haddii laga xado gaari ama mooto-da ay milkiyadeeda ku qoran yihiin.

“Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa digniinta booliska lagu sheegay in qofkii laamaha amniga kusoo wargelin waayay xogta gaarigiisa laga dhacay inuu qaadi doono masuuliyada wax kasta oo loo isticmaalo gaarigiisa.

“Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Sida aan kal horey ku baahinay warbixin baaris ah oo Caasimada Online sameysay inta badan gaadiidka loo adeegsado qaraxyada ayaa ah kuwo lasoo xaday.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhan

Taliska Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed oo soo saaray wargelin muhiim ah.

Iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, waxaa bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayaa inay raacaan qodobada soo socda:

1- Gaari ama Mooto lagaa xado: Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan.

2- Dukumintiyo luma: Haddii ay kaa lumaan dukumiintiyo muhiim ah sida taargada ama buugga gaarigaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargaliso boliiska 48 ilaa 72 saac gudahooda.

Digniin: Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah.

Fadlan ogow, raacista awaamirtan waa mid muhiim ah oo gacan ka geysanaysa sugidda amnigaaga iyo kan bulshada oo dhan.