LAFTA-GAREEN oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta Shabeellaha Hoose

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kala diray dhammaan garsoorayaasha ka howl-gala gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulkaasi.

Wareegtadaan oo maanta taariikhdu tahay 25-ka Octobar kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu kala diray garsoorayaasha maxkamadda racfaanka, kan gobolka Shabeellaha Hoose iyo ku-xigeenada garsoorayaasha.

Kala dirista garsoorayaasha ayuu Lafta-gareeb ku sababaeeyay habacsanaan ka jirta howlaha adeega garsoorka ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya markuu dhageystay talo soo jeedinta wasiirka wasaaradda cadaalada iyo garsoorka ee DKGS, wuxuu soo saaray xeerkan laga bilaabo maanta in kala diray dhamaan garsoorayaasha maxkamadda racfaanka gobolka Sh/Hoose, garsoorayaasha maxkamadda gobolka iyo kux-geennada xeer ilaalinta,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka maamulka ayaa horey madaxweyne Lafta-gareen ugu gudbisay cod kala diris garsoorayaasha iyo xeer ilaalinta gobolka Shabeellaha Hoose.

“Xeerkan ayaa waxa uu dhaqan-gal noqday marka uu saxiixo madaxweynaha dowla=goboleedka Koonfur Galbeed,” kaasi oo maanta faafinta rasmiga ah kusoo baxday.