Daawo: Cali Guudlaawe oo tegay furimaha dagaalka hal arrina faray ciidamada

Xawaadley (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeer ugu tegay Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Hirshabeelle iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Mukay-dheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamadaan ayaa halkaas kawada howlgal ka dhan ah khawaarijta, waxayna ku guuleysteen inay Khawaarijta ka xoreeyaan deegaano badan oo dhaca inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Howlgalkaan ayaa hadda ka socda dhulka galbeedka ka xiga wadada xiriirisa labada degmo, waxaana Khawaarijta laga eryey deegaano ay si dhuumaaleysi ah ku imaa jireen.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay saraakiisha horkacaysa howlgalkaan waxa uu kula dardaamay ciribtirka cadowga naflacaariga ah ee ku go’doonsan deegaano hoostaga degmada Balcad iyo xoreynta dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanka Xawaadley.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in Shabaab ay joogaan markoodii ugu dambeysay, isla markaana ay aad isku soo dhiibayaan maalmahaan.

“Maalmaha soo socda qulqulkooda waa la yaabi doonaa, nimankaasi waa jabeen, inta hartayna waad dhameystiri doontaan, meel kasta oo ay aadaan ciidamadeenu waa daba kici doonaan, insha allah Shabaab waa u dhamaatay,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xusay kadib howgalkaan inuu bilaaban doono dhismaha laamiga isku-xiraya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Hoos ka daawo