Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbad cajiib ah ka jeediyey dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysta khayraadkeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay.

Xasan Sheekh ayaa xoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya inta ay socoto howshaan ay ilaali doonto danta guud iyo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya.”

Hoos ka daawo Khudbadii Madaxweynaha oo dhameystiran: