Ilaa goorma ayey jidadka Muqdisho u sii xirnaan doonaan joogitaanka Oruç Reis?

Muqdisho (Caasimada Online) – Jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran sabab la xiriirta sugidda amniga Markabka Oruç Reis ee ku soo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo bilaabaya baaritaanka shidaalka Soomaaliya.

Oruç Reis oo inta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga ku soo jiray in ka badan 20 cisho ayaa maanta munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan dekedda.

Jidadka Muqdisho ayaa sii xiraa doona saacada soo socda sida ay ogaatay Caasimada Online, maadaama Markabkaan inta uu joogo dekedda aysan suurtagal aheyn in la fasaxo dhaq-dhaqaaqa magaalada, sida ay noo sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Waxaa suurtagal ah in Markabkaan uu maalmo sii joogo Muqdisho, mudadaasna ay wadooyinkii sii xiraadaan, sida aan xogtaan ku heleyn, laakiin waxaa suurtagal ah in wadooyinka ka fog dekedda la furo, maadaama dowladdu culeys badan kala kulmeyso jidadka laga xiray shacabka.

Shacabka Muqdisho ayaa saakay oo Jimco aheyd ku soo toosay wadooyinka magaalada oo xiran, maadaama xalay Markabka Oruç Reis oo muddo la sugaayey uu xalay soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa fursad weyn u aragta dhaqan galka bilowday ee heshiiskii ay la gashay dowladda Turkiga, taasi oo muujineysa in culeys badan aysan u arkin jidadka xiran ee caqabadda nololeed ku ah shacabka xoogsatada ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Markii laga soo tago xubnaha Saraakiisha iyo Injineerada ah ee Markabkaan la socda, waxaa jirta masuuliyiin kale oo wasiirro ay hoggaminayaan oo Muqdisho timid shalay iyo maanta, kuwaas oo wasiirka Batroolka Turkiga uu ku jiro.

Ma jirin wargelin ay heleen shacabka jidadka laga xiray ee ku nool magaalada Muqdisho, maadaama ay si daran noloshooda maalinlaha ah u saameyso hadii jidadka laga xirto.

Sidoo kale ma jirto faahfaahin laga siiyey goorta loo furayo jidadka, waxayna dadka qaar dowladda ku dhaliilayaan go’aankaan saameynta leh ee digniinta ama wargelinta aan wadan.