Xamza oo ku dhowaaqay inuu bilowday geedigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inuu si dhab ah u billowday sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qayb-galeen madaxda qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.

Mudane Xamza ayaa u mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taaganahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkiga.

Heshiisyadan ayaa salka ku haya dhanka amniga, dhaqaalaha iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

Tallaabadan ayey ku macneysay dowladda Xasan Sheekh mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran.

Sidoo kalena waa mid soo bandhigeysa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.