Xog: Axmed Madoobe oo shuruudo adag hordhigay Ruto si ugu laabto shirka Xasan

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu shalay ku tagay dalka Kenya.

Safarka Axmed Madoobe oo qaatay hal maalin ayaa yimid kadib markii maalmo ka hor uu madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay Kenya uu ka codsaday madaxweyne William Ruto inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo madaxweynaha Jubbaland.

Xasan ayaa Ruto la wadaagay doonistiisa inuu Axmed Madoobe dib ugu soo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo todobaadyo ka hor uu isaga baxay, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo xilkas ah.

Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la isla soo qaaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirka, iyadoo dowladda Kenya ay madaxweynaha Jubbaland ka codsatay inuu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay.

Sida ay sheegayaan illo wareedyada ka agdhawa shirkan, Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in loo dhaafo doorashadiisa, oo uu qabsado doorasho lamid kuwii uu horey ugu soo baxay.

Axmed ayaa ku dooday in dastuurka Jubbaland aan la dhaafi karin islamarkaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee baarlamaanka iyo madaxtooyada, sidaas darteedna uuna ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo hay’addaha dowladda.

Sidoo kale waxa uu miiska soo saaray haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan sida Puntland

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa kale oo ku dhagay in guddiyada doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer federaal ah iyo mid heer dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Tan ayaa sii adkeynaysa in Axmed Madoobe uu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo loo balansan yahay maanta inay iskugu soo laabtaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, kadib maalmo ay madaxda ku maqnaayeen wadatashiyo.