DF oo cadeysay ciddii qaladay MAP-ka xad-gudubka ku ahaa HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo soo saartay war-saxaafadeed dheer ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay cidda iska leh qaladkii MAP-ka ama Qariiradda ee xad-gudubka ku ahaa dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, kaas oo muujinayey in HirShabeelle aysan jirin, Galmudug-na ku koobay Galgaduud kaliya, waxayna dadka Sooamaliyeed wasaaraddu u dirtay raali gelin buuxda.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda bartoolka:

Waxaan marka hore shacabka Soomaaliyeed uga mahadnaqaynaa sidii niyadsamida iyo wanaagga badnayd oo ay shalay ugu wada dabaal-dageen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka Markabka SHIDAAL-SAHMINTA ee Oruc Reis oo qeyb ka ah dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, si loo suurtogeliyo horumar dhaqaale iyo isku-filnaan nololeed oo ay dadkeenna iyo dalkeennuba garaan mustaqbalka dhaw.

Waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd miro ka dhashay shaqo Qaran oo aad u baaxad weyn, taas oo qabashadeeda u mashquul iyo waqti badan ka galay hawlwadeennadii u xilsaarnaa hirgelinta hawshan taarikhiga ah.

Sida la wada filan karona, shaqa kasta oo culeyskeedu intaas la eg yahay, natiijada laga rabana ay guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurtogal ah inay dhacaan qaladaad farsamo oo aan ku talogal ahayn.

Annaga oo taas ka duulayna, waxaan ka cudur-daaranynaa cilladihii farsamo ee soo baxay intii ay hawshu socotay, oo ay ka mid tahay sawirka qariiddada ama MAP-ka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo-dhawaynta Markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid dhinaca shirkaddii qaabilsanayd qaabeynta iyo qurxinta muuqaalka xafladda.

Waxa ay shirkaddu isticmaashay MAP aanan ahayn midkii saxda ahaa, markii aan la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timidna waxa ay nooga cudurdaarteen in uu qaladkaas si aan kutalogal ahayn uga dhacay, maadaama ay adeegsadeen MAP ay hore dad kale u sameeyeen oo Internetka ku jira, waana mid aanan wax xiriir ah la lahayn shaqadii ay wasaaradda Batroolku uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxa ay u taagan tahay fulinta iyo ku-shaqaynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo aan qabanayno.

Sida ku cad bogagga rasmiga ah ee ay wasaaraddu macluumaadka kula wadaagto bulshada Soomaaliyeed, ma jirto meel aan ku isticmaalnay MAP lamid ah kan hadda sida qaladka ah uga yimid dhinaca shirkaddii nagala shaqaynaysay qurxinta munaasabadda.

Sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raalligelinaynaa cillad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yididiilladii iyo farxaddii ay qabeen.

Waxaan xaqiijinaynaa in hoggaanka iyo hawlwadeennada wasaaraddu ay mar kasta u taagan yihiin inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruuca iyo mabaadii’ida guud ee ay dowladnimadeennu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo galin, kala-qoqob iyo kala-qeybin siyaasad, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah.