Cali Guudlaawe oo Wasiirka Batroolka DF ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo arrimo xasaasi ah

Jowhar (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu eedeeyey wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Hirshabeelle ayaa wasiirka ku eedeysay inuu wado kala qeybin bulsho.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay madaxtooyada HirShabeelle ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdirisaaq uu horay u abaabulay shirar qalqal geliyey jiritaanka maamulkaas, waxayna HirShabeelle nasiib darro ku tilmaantay in wasiirka ka tirsan xukuumadda uu ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada.

HirShabeelle ayaa ka carootay MAP ama Qariidad lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka baaraya shidaalka Soomaaliya, taas oo aan lagu xusin magaca HirShabeelle, balse lagu qoray Hiiraan iyo Sh/Dhexe, halka Galmudug lagu koobay Galgaduud, iyadoo Mudug laga dhigay dhul lagu muransan yahay.

Wasaaradda Batroolka XFS ayaa ka jawaabtay sababta MAP-kaas qaldan loo geeyey goobta, waxayna wasiirka iyo agaasimaha guud cadeeyeen in qaladkaas uu ka dhacay shirkad ay u xilsaareen qaban-qaabada munaasabadda, taas oo internetka kala soo degtay MAP la sameeyey 2015-kii oo aan sax aheyn.

Hoos ka akhriso qoraalka HirShabeelle;

Dowladda Hirshabeelle waxay cambaareyneysaa qariiradii ama Map-kii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya oo ay kasoo shaqeysay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta XJFS.

Wasiirka Batroolka XJFS waxa uu horay u abaabulay kulamo iyo shirar lagu kala geynayo dadka wada degan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Shirarkaas ayaa sababay qal-qal amni, iyadoo dhibaato ay kasoo gaartay shacabka reer Hirshabeelle, mana ahan wax loo dulqaadan karo inuu masuul ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee loogu talogalay inuu ugu adeego danaha Qaranka uu taas baddelkeeda ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada iyo abuurida xasilooni daro, si uu u gaaro danahiisa gaarka ah.

Dowladda Hirshabeelle jiritaankeeda iyo dhismaheedaba waxuu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliya qoddobadiisa 48-aad  iyo 49-aad.

Sidaas darteed, waxaa nasiib darro ah, iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheyraadka iyo horumarka dalka in Wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaaybin bulsho, taas oo wiiqeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Hirshabeelle ma aqbaleeyso kala qeybinta dadka iyo deegaanada Hirshabelle, sida uu qabo dastuurka Dowladda Hirshabeelle qoddobkiisa 2-aad, farqada 1-aad iyo qodobka 51-aad farqada 2-aad ee Dastuurka Hirshabeelle.