Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay shirka maanta ka furmay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ayaa maanta markale dib uga furmay magaalada Muqdisho.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa durba ka dhalatay fal-celin xooggan, maadaama ay shirka ka maqan yihiin madax goboleedyada qaarkood, halka ay soo xaadireen madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan oo inta uu socdo looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka ayaa waxaa horay isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?
·
Cabdirashiid Muxiyadiin: “Kulanka xiga waxaa ka baqaa in 2 kale la waayo ee Madaale Villa-da yuusan ka bixin illaa amar dambe.”

“Puntland, Khaatumo, Jubbaland maamuladii Daarood Ismaaciil oo maqan waxba kama soconayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caaqil.

Mansuur ayaa isna waxa uu yiri “Guusha dalku waxay ku xidhan tahay waxa kasoo baxa shirkaan iyo sida loo hirgaliyo. Dalka waa inuu ka gudbaa isbaaro uu qofkasta dhigan karo.”

“Madaxweyne hadii aadan wax kheyr ah iyo wax cadaalad u ah umada marna ka shaqeyneyn ilaahay ayaa garabkaaga ka baxaya oo waxba kuu socon mayaan,” ayuu yiri Cusmaan Cabdulle Aw Cali.

Cabdirisaaq Mataan: “Dowlad goboleedyadu waa inay doorasho aadan, hadii madaxweynuhu sameeyo ku darsasho dowlad-goboleed waxa uu soo wado waa ku darsasho heer federaal, taas oo wixii uu mirinaayo sanadka u dagana oo uu ciidan ugu aruursanayay.”

Ismaaciil Maxamed Daahir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Rag wada shaaxeeyey uma xumidiin. Shir ha dhihina sababtoo ah nin ajendihiisa meesha ku fadhiya kuma jiro marka laga reebo xasan waxa uu rabo in la fuliyo.”

“Madaxwaynaha iga gaarsiya fariintan Inta xildhibaan ka amarqata maamul goboleed markii u yeertaba aadaya horay loo socan maayo, siyasadaada uleexi xoraynta wadanka ayaga noqon doona rah biyihii ka guuren kadibna isa soo dhiibi doona,” ayuu yiri Cusmaan Sabaax.

Cali Haruuse: “Shaqo wacan ninkii dalka dib u dhiciisa iyo dadka ineey wax doortaan kasoo horjeedo yaan loo dhutin horay haloo wado dalka mudane madaxweyne.”

Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Masha Allah guul ayaan u rajeynayaa shirka iyo doorsho qof iyo cod inta diyaarka ah ha laga qabto inta kalena markii ay diyaar noqoto ayaaa laga qabanaa horay haloo socdo.”