Saciid Deni iyo Axmed Madoobe dib ma isku qaadan karaan siyaasad ahaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay sheegay inay garab taagan yihiin maamulka Jubbaland, iyaga oo ku garabsiinaya inay qabsadaan doorasho u gaar ah.

Deni waxa uu sheegay in aanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sharciyad u haysan inay fara-geliso doorashooyinka maamullada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna sidaas oo kale aaminsanaa markii uu Farmaajo xukunka hayay. Gacanta ay Puntland u fidisay Jubbaland ayaa dad badan durba hordhigtay su’aal ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe dib ma iskugu soo laaban karaan siyaasad ahaan.

Sida ay dad badan la socdaan doorashadii ugu dambeysay ee madaxtinimada Soomaaliya wuxuu Saciid Deni 100% isku haleynayay codadka xildhibaannada ka imaanaya Jubbaland, halkaas oo la sheegay inuu kharash badan geliyay, laakiin natiijadii doorashada kadib Saciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay noqdeen labada siyaasi ee iskugu fog Soomaaliya.

Colaaddu waxaa la sheegay inay ka timid dhinaca Saciid Deni oo aaminsan in la khiyaamay oo uusan Axmed Madoobe si daacad ah u dhisin. Dadaallo hoose oo dhowr jeer la isku dayay si labada nin la iskugu soo celiyo ayaa ka socon waayay dhanka Saciid Deni.

Haddaba, hadda maxaa suurta-gal ah, iyada oo dhinaca kale loo jeedo inay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe sii kala fogaadeen.

Dadka arrimaha siyaasadda Soomaaliya ka faallooda waxay aaminsan yihiin in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe hal arrin ku heshiin karaan, midna aanay isku aamini karin markale.

Mid labada nin waa ku heshiin karaan, waana colaadda Xasan Sheekh. Marxaladan la joogo Saciid Deni wuxuu saaxiib ka dhigan karaa cid walba oo kasoo horjeeda Xasan Sheekh, si loogu qasbo inuu kusoo laabto dariiqi lagu socon jiray.

Xasan Sheekh ayaa hadda qaatay weedhii Farmaajo ee aheyd “cidna looma joojinayo” waxaana lagu eedeynayaa inuu isku dayayo inuu xukunka dheereysto ama uu qabsado doorasho uu hubo 100% inuu isagu kusoo laabanayo.

Laakiin mid rejo badan lagama qabo. Waa in Saciid Deni aamino inuu Axmed Madoobe markale uu dhisayo madaxtinimada Soomaaliya.

Deni dadka yaqaana waxay leeyihiin inuu taas aamino loogama fadhiyo, balse waxaa jirta arrin kale oo Axmed Madoobe laftigiisu uusan Deni ugu ballan-qaadi karin inuu dhisi doono markale, waana in reerka uu Axmed Madoobe kasoo jeedo ay hadda siyaasad ahaan kor usoo kaceen oo laga yaabo inuu iyaga damac madaxweyne galo doorashada soo socota, maadaama ay hadda ra’iisul wasaare ka yihiin Soomaaliya.

Si guud labada nin dagaalka Xasan Sheekh waa ku midoobi karaan oo farriinta Deni ayaa aragtidaasi xambaarsaneyd. Laakiin in siyaasad ahaan la isku aamino oo dib wax loo wada dhisto inay dhici karto looma badinaayo, wallow aan dhinaca kale la inkiri karin inay labada nin la shaqeystaan dowladda Imaaraadka Carabta oo laga yaabo inuu halkaas amar wada-shaqeyn ah kaga imaan karo labadoodaba.

Axmed Madoobe ayaa weli ku adkeysanaya inuu qabsado doorasho u gaar ah oo dadban, halka madaxweyne Xasan Sheekh uu taas kasoo horjeedo isaga oo aaminsan in doorashooyinka la mideeyo, sidoo kalena ay noqdaan qof iyo cod.