Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada waxaa si rasmi ah uga bilowday hirgelinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xoogan.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay dadaal xoogan oo ku aadan meel-marinta qorshaha Villa Soomaaliya, waxaana degmooyinka ka bilowday dhaq-dhaqaaq xoogan.
Guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan xaafadda Towfiiq ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii ay dalka uga dhici lahayd qof cod, wuxuuna sheegay inay u diyaar garoobaan, si ay kaalintooda u qaataan.
“Maanta waxay mareee codkaaga ku ciil bax, waa inaan u diyaar garownaa doorasho qof iyo cod ah, reer Towfiiqna ay ku ka noqdaan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.
Waxaa kale oo uu raaciyay “Guddoomiyaha degmada waa inaad amri kartaa oo dhihi kartaa maxaa i qabatay anaa shalay codkeyga kuugu keenay maxaad degmadaan kusoo kordhisay?”.
Fargax ayaa sidoo kale u jawaabay xubnaha mucaaradka ee diiday doorashooyinka qof iyo codka ah, wuxuuna tilmaamay in aan loo joojin doonin, horana loo sii socon doono.
Annaga lix qof todobo qof miyaan xabsi ugu jireynaa waxaa la rabaa Soomaali in shacabka loo soo celiyo awoodda degmadaan Yaaqshiidna ay ka bilaabato illaa dalka oo dhana ay gaarto”. ayuu mar kale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud Fargax.
Horay sidaan oo kale waxaa arrimaha doorashooyinka uga hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan Faarax Cadaani oo sheegay in degmadiisa ay kow ka noqon doonto qof iyo cod.
Soomaaliya ayaa waxaa ka taaganxiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod diidan Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho.
Si kastaba, waxaa arrinta ay hadda u gudubtay baarlamaanka Soomaaliya oo guda galay doodda la xiriira doorashooyinka iyo xeerarkooda, isaga oo kasoo saari doono go’aan rasmi ah.