Xog iyo sawirro caddeynaya sababihii ay isugu dhaceen Faroole iyo EU-da

Brussels (Caasimada Online) – Sida aan shalay qornay Midowga Yurub, ayaa go’aansaday in khudbad uu Faroole ka jeediyey shirkii Brussels ka dhacay ee New Deal aan la baahin, lana duubin oo kaamirooyinkii laga dansaday. Halkan ka aqri

Haddaba Caasimada Online ayaa maanta heshay xog iyo sawirro ku saabsan muran dhex maray Faroole iyo Midowga Yurub, wax yar un ka hor inta aanu billaaban shirka, taasi oo iminka la sheegayo in EU-da ay ku qasabtay inay ku xumeeyaan Faroole.

Muranka ayaa billaabmay, kadib markii Midowga Yurub ay Faroole u qoondeeyeen inuu fariisto kursi ka dambeeye kan madaxweynaha Somalia (Sawirka hoose eeg waa Faroole oo fadhiya madaxweyne Xasan gadaashiisa) , ayada oo go’aankuna ahaa in dhammaan xubnaha Soomaalida ay ku gadaal feelaan dowladda Somalia.

faroole xasan gaashiisa

Sida ilo-xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, Faroole ayaa fariistay kursiga isaga oo carreysan, kadibna wax yar markii uu fadhiyey ayuu u hanjabay Midowga Yurub, taasi oo buuq ka dhalisay madashii shirka (Sawirka Hoose eeg waa Faroole oo sii jeeda, una hanjabaya saraakiil EU ah).

buuq

Waxa uu ku goodiyey inuu shirka ka baxayo, qabanayana shir jar’aaid, sidaa darteed ayaa Midowga Yurub oo diidanaa in la carqaladeeyo shirka, islamarkaana dareenka muhiimaddiisa la weeciyo, waxay aqbaleen dalabkii Faroole, oo ay fariisiyeen kursi kale (Sawirka Hoose eeg, waa Faroole oo la qanciyey lana fariisiyey kursi aan ka dambeyn madaxweyne Xasan).

far

Daqiiqado kadib ayuu haddana Faroole, oo aaminay in wax kasta oo uu doono uu ka sameysan karo EU-da, waxa uu u yeeray wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, kuna wargeliyey inuu qabanayo shir jaraa’id, uuna mucaaradayo shirka haddii aan loo ogolaan khudbad (Sawirka hoose eeg, waa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo ku qancinaya Faroole inaanu fowdo billaabin).

mad far

Intaa kadib ayaa sida aan xogta ku helnay EU-da, oo la yaaban fowdada iyo dhibka Faroole, waxaa ku qasbanaataay inay aqbalaan dalabkii labaad ee Faroole, si aan shirka loo carqaladeyn, una ogolaadeen khudbad.

Si kastaba, markan EU-da waxa ay ayagana cayaareen cayaar ka weyn tan Faroole, waxaana ay farsamayaqaanadooda ku amreen in dhammaan kaamirooyinka laga damiyo Faroole, marka uu khudabadeynayo, si aanay cidna u daawan.

Waxaa sidoo kale khudbaddii Faroole laga reebay CD taariikhi ah, oo ku saabsanaa dhacdooyinkii shirka oo dhammaan suxufiyiinta iyo ergooyinka loo qeybiyey, taasi oo khudbaddii Faroole ka dhigtay mid aan meelna laga arag.

Diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen ogolaanshaha dalabka Faroole, sababta oo ah ma aysan dooneyn in fowdo meesha ka dhacda, oo weecisa darreenka iyo muhiimadda shirka.

Xuquuqda sawirrada: WehelMedia

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com