Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada HirShabelle iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Jariirow ayaa waxaa lagu beegsaday horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay ugu yaraan saddex xubnood oo uu ku jiro horjoogahooda, waxaana weli sii socda howlgallada ay wadaan ciidamada huwanta.
Xubnaha la khaarijiyay ayaa xilliga uu dhacayay ku howlanaa qaadista lacago baad ah oo ay ka aruurinayeen dadka deegaanka.
Taliyaha ciidamada Macawiisleyda ee galbeedka gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka go’aan tahay la dagaalanka Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda deegaanada maamul goboleedka HirShabelle.
“Waxaa naga go’aan inaan ka ciiidan dagaalano, Soomaalinimo ayaan u dhimaneynaa iyo nimanka diinta beenta ka sheegaayo” ayuu yiri taliyuhu.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay HirShabelle.
Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.