A/Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo magacaabay guddi ka shaqeynaya…

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 4 xildhibaan iyo hal senator oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa loo magacaabay inay ka shaqeeyaan oo Soomaaliya ku metelaan qorshe cusub oo bilaabanaya, kuna saleysan saaxiibtinimada ee baarlamaanadda Soomaaliya iyo dalka Luxembourg.

Xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1-Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar

2-Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow

3-Xildhibaan Dahabo Suusow Maxamuud

4-Senator Seynab Ismaaciil Maxamed

5-Xildhibaan Xiis Xasan Aadan.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta soo kabasho ayaa aad u daneysa inay la saaxiibto dalal kale ee caalamka, waxaana baarlamaanka horay looga xolay guddiyo sidaan oo kale u shaqeeya.

Guddiyadaan ayaa loo xil-saaraa inay ka shaqeeyaan saaxiibtinimada ama iskaashiga labada dal iyo labada baarlamaanka, guddiga ugu shaqada badan waa kan qaabilsan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Fursadda uu helay guddigaas waa in danaha labada dal ay aad isku dhexgaleen oo saaxiibtinimada ama xiriirkoodu uu gaaray heerkii ugu sareeyey.

Hoos ka eeg warqadda magacaabidda guddiga: