A/Madoobe oo qaaday jid xasaasi ah iyo arrin culus oo ka dhalaneysa go’aanka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo fog ayaa la hadal hayay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) u bareeri doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu qaadi doono jid is-doorasho.

Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah.

Madaxda maamullada qaar waxaa laga soo xigtay inay la yaabeen fur-cadi la’aanta Xasan Sheekh, taasina ay keeni karto inuu qof waliba tashado.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, damiciisa ugu weyna uu ahaa inuu isagu kursi helo.

Axmed Madoobe wuxuu Talaadaddii laalay qodobkii 70-aad ee dastuurka maamulka, kaas oo xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland.

Laba jeer ayuu markii hore ahaa qodobku, haddii sidaas loo raacana Axmed Madoobe markale ma noqon karo madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Golaha Wakiilada maamulka Jubbaland ee waqtigu ka dhamaaday ayaa muddo xileedka maamulka ka dhigay shan sano, halka uu markii hore ka ahaa afar sano, halka ay laaleen gebi ahaanba qodobkii xadidaayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland, waxaana laga dhigay mid aan xadidneyn.

Waa baarlamaan aan sharciyad haysan oo sharciyad bixinaaya. Tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dastuurka dalka ayaa noqday mid ay cid walba ku tumato, haddii uu yahay midka heerka federaal iyo midka maamullada, madaxweyne Xasan waxa uu lumiyay jiheyntii siyaasadda gudaha dalka.

Tallaabada uu Axmed Madoobe ku beddelay dastuurka Jubbaland waxaa ku xiga dhismaha guddiga doorashada ee Jubbaland, sida ay illo wareedyo muhiim ah noo xaqiijiyeen.

Guddigan ayaa la filayaa dhismihiisa inta lagu jiro bishan July, kadibna qorshaha Axmed Madoobe waa inuu qabsadaa doorasho uu kusoo laabanayo bartamaha bisha soo aadan ee August.

Bartimihii bishii May ee sanadkaan waxaan baahinay inuu madaxweyne Xasan Sheekh lixda billood ee soo aadan uu geli doono jahwareer siyaasadeed, maamulladuna ay isku tashi aadi doonaan, isna uu saaxiibo badan lumin doono, beesha caalamkuna ay jahwareer kala kulmi doonto arrimaha Soomaaliya, xalkuna uu ugu dambeyn noqon doono in madaxweyne Xasan Sheekh lagu qasbo inuu waaqica usoo laabto.

Jihada uu maanta Axmed Madoobe u dhaqaaqay ayaa dareen galineysa maamullada kale ee dalka. Waxaana la aaminsan yahay inuu Lafta-gareen noqon doono qofka labaad ee ku dhaqaaqa isku tashi doorasho.