Abiy Ahmed oo shaaciyay arrin ay Soomaaliya uga beddelan karto badda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta.

Abiy ayaa si cad u sheegay in is-afgaradka Somaliland uusan aheyn xad-gudub ka dhan ah midnimada, wuxuuna sheegay in dalkiisa uu ixtiraamayo madax-banaanida Soomaaliya.

“Waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya diyaar u tahay wax isdhaafsi, ayna ogoshahay in wax soo saarkeeda gudaha ay ku dhaafsato marin baddeedka ay rabto, si buu yiri kor loogu qaado wada noolaanshaha.

“Baahida ay Itoobiya qabto waa adeeg baddeed, taasina waxaan u mareynaa waddo nabad-galyo iyo wada-hadal. Soomaaliya iyo dalalka deriska waxay leeyihiin adege baddeed laakiin sida Itoobiya wax ma u beeran karaan, anagu waxaan nahay dhul caro-san iyo biyo badan leh,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii Khudaarta noogu beddelaan biyaha badda waxba kuma jabna waa arrin ganacsi, waa mid faa’iido u ah guud ahaan gobolka iyo mustaqbalka caruurteenna. Haddii naloo diido tabashadayada in la dhageysto waxay noqon doonta mid xilligeeda sugto.”

Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.”