Abiy Ahmed oo wajahay laba culeys oo kala daran – Maxaa soo kordhay?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay culeyska xooggan ee Gudaha iyo Dibadda uga imaanaya Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii uu fashil ku yimid wajiga saddexaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa maalmihii u dambeeyay Xukuumaddiisa waxa ay sameyneysay xadgudub xooggan oo ka dhan ah Midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida hadallo adag oo xiisadda sii hurinayaiyo tallaabooyin kale oo ay qaadday.

Itoobiya ayaa u muuqata in ay ku adkeysaneyso heshiiskii gurracnaa ee Abiy Axmed la galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee sida cad uga hor imaanayay Dastuurka iyo jiritaan ummadda Soomaaliyeed.

Turkiga oo cilaaqaad kala dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya isla markaana dhexdhexaadiye ka ah xal u helista daminta xiisaddaan ayaa u muuqda in uu ku guuldareystay in wadjiga saddexaad uu miiska wadahadalka isugu geeyo ergada kala matalaysa labada dhinac.

Warbaahinta Turkiga ayaa intooda badan waxa ay aad u hadal heysaa in Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Itoobiya aanay isu dhaweyn mar haddii dhinac weliba uu doonayo inuu tanaasul sameeyo dhanka kale.

Tusaalaha ugu dhow ee lasoo qaadanayo waa in uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu si cad u sheegay in aanay Dalkiisu ahaan Karin bilaa deked, sida ugu fudud oo ay ku heli karaan ayuu tilmaamay inay xoogga u saarayaan.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu mowqifkeedu yahay in Xukuumadda Abiy ay si cad u sheegto in ay burburisay heshiiskii gurracnaa ee kala dhantaalayay midnimada iyo wadajirka isla markaana meel fog ka istaagto ku xadgudubka Soomaaliya.

Culeyska gudaha ka heysto xukuumadda Abiy

Jabhadaha hubeysan ee ku kacsan Xukuumadda Abiy ayaa xoogga saaray in ay ku dhawaadaan Magaalada Addis Ababa oo ah goobta keliya ay si awood ah ugu faani karto in ay maamusho Dowladda 100%

Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa diiwaanka geliyay kiisas badan oo la xiriira Xasuuq, Kursi, Boob iyo awood sheegasho oo Ciidanka Federaalka ku dhaqaaqay laga soo billaabo sanadkii 2020kii oo dhiig badan ku daadiso gobollo kala duwan.

Culeyska dibadda

Dalal badan oo caalamka ah ayaa Xukuumadda Itoobiya ku cambaareeyay tallaabooyinka kala duwan ay qaadeyso iyada oo dooneysa in Geeska Afrika marqura dhimbishu dhinac weliba iska qabsato maadaama ay ku dhaqaaqayso go’aamo culus oo salkoodu noqon kara dagaallo.

Itoobiya ayaa kol hore diiday wadahadalkii uu Maraykanka garwadeynka ka ahaa ee lagu doonayay in hoos loogu dhigo xiisaddii ka dhalatay biyo xireenka ay ku sameysay Webiga Biyaha Nile oo tallaabadaas si cad uga hor yimaadeen Dalalka Suudaan iyo Masar.

Isha: MM