Abiy Axmed oo bedelay wasiirkii arrimaha dibadda – Waa kuma kan cusub?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Raii’sul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskaas, iyadoo Itoobiya ku eedeysay faragelin iyo ku xad-gudub qaranimo, waxaa dhacay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ay kaga adkaatay Itoobiya, markastana waxaa suurtagal ah inuu bilowdo dagaal toos ah.

Taye Atsik Selassie oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa aad ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo fulinaya qorshaha jaha wareerka ah ee Abiy Axmed, waana sababta ay wadahadalaasi u miradhali waayeen.

Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Itoobiya waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo ee Abiy Axmed hoggaamiyo, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradii xilalka loo dhiibay ee xukuumadda soo galay kadib markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy.

Markii hore, Dr. Gideon waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaana uu ka mid ahaa ergadii ay dowladda u qaabilsanaa wada xaajoodyadii TPLF ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay ee lagu soo afjarayay dagaalkii Tigray.

Ninkaan cusub waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha imika xilka haya ee Dr Abiy Axmed, waxaana la sheegay inuu khibrad durugsan u leeyahay arrimaha sharciga, bare dhanka sharciga ah ayuu mar ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Jaamacadda Hawassa iyo Jaamacado kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.