Abiy oo ku adkeystay helitaanka bad iyo arrin cusub oo uu shaaciyay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo hadal ka jeediyay Aqalka Wakiillada ee baarlamanka Itoobiya ayaa ku adkeystay damaca helitaan bad.

Abiy ayaa markale ku celiyay in aan meesha laga saari karin damaca Itoobiya ee ah in hesho marin-badeed, isaggoo tilmaamay inay muhiim u tahay inuu dalkiisa galaan-gal u yeesho badda.

Waxa uu xusay in fursadaas ay bixisay Somaliland, oo horraantii sanadkaan uu Addis Ababa kula saxiixday heshiis u gacan galinay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyinkii u dambeeyay ee Soomaaliya ku diidan tahay heshiiskan looga maarsami waayey in wada-hadal lala yeesho Itoobiyaanka.

“Dowladda Soomaaliya waxay tamar badan ku bixisay joojinta is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, balse laga maarmi waayay in madaxda Itoobiya ay wada-hadal la yeeshaan,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Abiy ayaa iska fogeeyay inuu xoog wax ku raadinayo, isaggoo sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska aysan cadow ku aheyn ee ay gaashaan u yihiin, ayna rabaan wada noolaansho walaaltinimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Eritrea, Djibouti, Kenya, Sudan iyo Soomaaliya waa walaalaheen, mana rabno xanuun. Waxaan rabnaa inaan nabad ku noolaanno – dalkani waa dal weyn oo leh ciidan badad iyo dad badan. Itoobiyana waxay lamid tahay walaalka weyn oo gaashaan u ah dhammaan dalalkan oo dhan oo jiri doona waqtiyada ay u baahan yihiin, ee ma aha cudud bur-burin.”

Sidoo kale waxa uu ku dooday in Itoobiyaanka ay ka shaqeynayaan nabadeynta Soomaaliya, oo aysan ku howlaneyn taas bedelkeed, “Itoobiya ma rabto kala tega Soomaaliya; uma hurteen caruurteedii hadday taas rabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ku dheeraaday wax ugu yeeray “xaq u lahaanshaha Itoobiya inay gasho badda”, isaggoo xusay inay Itoobiya diyaar u tahay in middaasi si nabad ah oo wada-hadal ah wax looga qabto.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ay natiijo la’aan kusoo dhamaadeen wada-hadallo dalka Turkiga ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la sugayaa tallaabada xigta ee Itoobiya ay qaadayso ee ku aaddan is-afgaradka Somaliland ay la gashay.