ABIY oo qaaday tallaabo cusub xilli uu wajahayo culeys hor leh oo uga imanaya…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wajahaya cadaadis horleh, kaddib markii ciidanka federaalka lagu jebiyay dagaallo ay kala hortageen kooxaha wax iska caabbinta ee Amxaarada.

Cadaadiskan ciidanka ee Abiy oo sii kordhayay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa wuxuu go’aansaday inuu kordhiyo ciidamada ka jooga furimaha dagaalka, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa cabsi weyn ka qaba in ay aagga kusoo durkaan ama kusoo dhawaadaan kooxaha kasoo horjeeda saldhigyada ciidanka federaalka ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale wuxuu xilligaan xoogga saaraya niyad dhiska ciidanka, isaggoo faray wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa inay diiradda saaraan sidii ay niyadda ugu dhisi lahaayeen ciidamadooda oo qaarkood dib u goconaya askar ay dagaalka ku wada jireen oo u gacan galay xubnaha kasoo horjeeda.

Dagaalka ka socda ismaamulka Amxaarada ayaa culeys weyn ku haya xukuumadda Abiy Axmed, maadaama ay horay ugu jabtay dagaalladii ka dhacay maamulka Tigree, oo askar badan uu ku waayay, halka boqolaal kale looga qabsaday Abiy.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya wajahayo cadaadis caalami ah, kadib markii uu heshiis qaras ka tuurnimo uu la saxiixday Somaliland, kaas oo uu ku rabay riyo-maalmeedka marin badeed ay hesho Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn uga carootay heshiiskaas ayaa caalamka tustay xad-gudubka Abiy Axmed uu ku kacay, taas oo dhaawac weyn u geysatay meeqaamkii diblumaasiyadeed ee Itoobiya ku laheyd caalamka.