Abiy oo sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka kala dhaxeeya Somalia – Sidee?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta khudbad u jeediyay baarlamaanka dalkiisa ayaa wuxuu qeybo kamid ah uga hadlay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya ee salka ku haysa is-afgaradkii ay la galeen Somaliland.

Abiy ayaa wuxuu sheegay in laga maarsami karey dagaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ku qaaday Itoobiya, isaggoo ku tilmaamay “mid aan loo baahneyn” sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn in Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa fara-gelinta Itoobiya ku hayso midnimada Soomaaliya.

“Aad ayay u sahlan tahay sababtoo ah wax dagaal ah oo aan la galnay dowladda Soomaaliya ma jirto, Laakiin taa beddelkeeda, dowladda Soomaaliya waxay dooratay inay adduunka kusoo wareegto oo na eedeyso,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Taladaydu waa lacag ha khasaarinina – Ma jirto baahi loo qabo in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo, iyadoo ay suurta-gal tahay in Addis Ababa noogu timaadid.”

Wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal, isaggoo caddeeyay in Itoobiya ay ixtiraameyso madax-banaanida Soomaaliya, halka taas beddelkeeda ay ku foogan tahay xukuumaddiisa marka xaqiiqda loo soo daadago.

“Itoobiya ma rabto kala goynta Soomaaliya; uma hureen caruurteedii” hadday taas rabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Ugu dambeyntiina wuxuu ku taliyay “in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka.”