Abwaanadii u goostay Al-Shabaab oo markii u horeysay kasoo muuqday jiida dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal ay baahisay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa markii ugu horreysay kasoo muuqday Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid iyo Awabaan Nageeye Cali Khaliif oo ah dhalinyaro kasoo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland.

Abwaanadan oo si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ayaa horay u shaaciyay inay ku biireen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo markoodii u dambeysay ka tegay Muqdisho.

Kooxda ay ku biireen ee Al-Shabaab ayaa haatan soo bandhigtay muuqaalka Gama’diid iyo Nageeye oo ku sugan jiida hore ee dalka, waxaana la faafiyay sawir iyaga oo saaran gaari gaashaaman, isla markaana ku hubeysan qoryaha AKH47.

Qoraal kooban oo ay kooxda soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka qayb-galeen dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya, balse ma sheegin goobta gaarka ah ee uu ka dhacay.

Wareysiyo horay looga qaaday labada nin waxay ku qirteen inay ku biireen kooxda Al-Shabaab, ayna muddo aaminsanaayeen fikirka Xagjirka ah.

Sidoo kale waxaa aad loo soo qaatay gabayo ay horay u tiriyeen oo ay si aad ah ugu taageereen kooxda Al-Shabaab, taas dad badan ku noqotay lama filaan.

Kasoo muuqashadooda furinta hore ee dagaalka ayaa kusoo aadeyso, muddo bilooyin ah oo ay joogeen dhulka Al-Shabaab, mana la arag dhaq-dhaqaaqooda, marka laga tego wareysiyo ay kooxda u baahisay, kadib markii ay ku biireen oo ay ugu tageen degmada Jilib