Adeegga baasaboorka oo la gaarsiiyey Soomaalida ku nool dalka Ireland + Sawirro

Dublin (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan waddanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa soo dhaweysay adeegga dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay ee baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga. 

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ireland Xaaji Axmed Gadaf ayaa Dowladda Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Belgium uga mahad celiyay sida wanaagsan ee adeega baasaboorka ay usoo gaarsiiyeen Soomaalida ku dhaqan Ireland oo baahi aad u daran u qabay inay helaan baasaboor Soomaaliga, waraaqda dhalashada iyo dhammaan dokumentiyada Soomaaliya. 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in marar badan ay qeylo dhaan u direen dowladda Soomaaliya, maadaama dadka ku dhaqan Ireland ay aad ugu baahnaayeen helidda waraaqaha aqoonsiga, wuxuuna u mahad celiyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Soomaaliya ee waddanka Belgium. 

“Waxaan aad ugu mahad celineynaa safiir Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) sida Soomaalinimada leh, walaaltinimada leh ee dadkii ku dhibaateysnaa Ireland uu usoo gaarsiiyay adeegga baasaboorka iyo waraaqaha aqoonsiga,” ayuu yiri Xaaji Axmed Gadaf oo sheegay In muddadii uu joogay Yoonis uu wax badan u qabtay dad baahi u qabay helidda aqoonsiga Soomaaliga

Sidoo kale, Sheekh Cabdirisaaq Daahir oo ah Imaamka Masaajidka weyn ee Dublin Mosque ayaa u mahad celiyay safiir Yoonis wuxuuna sheegay in adeegan ay dad badan ka faa’iideysan doonaan. 

Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan waddanka Ireland ay soo gaareen safiirka Soomaaliya u fadhiyo Belgium Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) iyo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda, islamarkaana ay balan qaadeen in haatan wixii ka dambeeya Soomaalida Ireland baasaboorka loogu sameyn doono magaalada Dublin.