‘Afduubkii’ la sheegay ee Hibo Maxamed oo noqday mid been ah iyo xog cusub oo shaaca laga qadaay

Gurceel (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xogta rasmiga ah ee gabar 16-sano jir ah oo shalay gelinkii hore la waayey, taas oo maanta lagu qabtay degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

Gabadha oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan ayey reerkeeda oo degan xaafadda 5-ta Geed ee degmada Howlwadaag waxa ay waayeen shalay subax.

Ciidamada ammaanka degmada Gurceel ayaa maanta bar kontorol oo laga soo galo magaalada ku qabtay gaari ay saarneyd Hibo, waxaana la geeyey saldhigga, iyada iyo dhamaan dadkii rakaabka ahaa ee Muqdisho ay iska raaceen, halkaas ayaana lagu wareystay.

Taliyaha booliiska degmada Gurceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey in Hibo Maxamed Xasan oo maanta ciidamada ammaanku ay ka reebeen gaari ay la socotay aan lasoo afduuban, balse iskeed ay u soo aaday xubno ehelkeeda ka tirsan oo Gurceel dagan.

Hibo oo hadashay waxa ay sheegtay in iskeed ay u raacday gaariga, iyadoo aan ogeysiin reerkeeda, taas oo keentay shaki ku dhashay ehelladeeda oo ahaa in la afduubtay gabadha.

“Gaariga waxaa saarnaa dad rakaab ah oo aan la socon Gabadha, balse gaarkooda u socday magaalada, damiin ayaa lagu soo galaa Guriceel, markii la weydiiyay waa diiday in ay sheegato damiin, dood dheer kadib, waan xirnay kadib ayey waalidkeed noo sheegtay markaa wacnay waalidku waxey noo sheegeen in ay tahay gabadhii la weysanaa ee shalay laga afduubtay Muqdisho,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Guriceel oo Caasimada Online la hadlay.

Sarkaalka nala hadlay ayaa intaas ku daray, “Maya, afduub ma aheyn markaa arkeynay, qof kaligiis is wada oo baxsad ah ayey aheyd qof ay u afduuban tahay oo ay la socotayna ma arkin.”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa aad looga cabanayey afduub iyo xatooyada loo geysanayo caruurta iyo dumarka, waxaana qoysaska degan la soo deristay cabsi xoog leh oo xatooyadaas ay ka qabaan.