Al-Shabaab oo caawa dagaal kula wareegay deegaankii laga difaaci jiray Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobalka Bay ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Goofgaduud-buurey oo gacanta ay ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Goofgaduud-buurey waxaa laba saldhig ku lahaa ciidanka xoogga dalka iyo cutubyo ka tirsan daraawiishta K/Galbeed, wuxuuna deegaankaasi gacanta u galay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa galabta weerar kadis ah ku soo qaaday ciidamadii joogay deegaankaas, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u culus, sida ay saraakiil ciidan u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ilaa hadda, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Goofgaduud oo sababay in ciidamada dowladda ay isaga cararaan halkaas.

Dad shacab ah oo ku sugan deegaanka Goofgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay ka baxeen fariisinkooda deegaanka, isla markaana ay u carareen dhanka magaalada Baydhaba.

Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa galabta si buuxda ula wareegay deegaankaas, waxayna dadka deegaanku noo sheegeen inay caawa gudaha deegaanka difaacyo uga jiraan.

Ku dhawaad hal saac markii uu dagaalku socday in ciidanka dowladda ay isaga baxeen deegaanka Goofgaduud, ma kala cadda waxa sababay (in ciidanku ku baxay xeelad dagaal iyo in looga itaal roonaaday).

Magaaladaan ay caawa Al-Shabaab ku hoyanayaan waxay caasimadda K/Galbeed ee Baydhaba u jirtaa 30 KM, weli maamulkaasi war kama soo saarin dagaalka ay Al-Shabaab kula wareegeen Goofgaduud-buurey.

Xabbadda ayaa qabowday fiidnimadii caawa, waxaana hadda lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay gubayaan teendhooyinka ciidanka ay seexanayeen iyo agab kale oo xeryaha u yaallay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey culeys badan saartay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana caawa gacanta u galay mid ka mid ah deegaanada laga difaaco caasimadda maamulkaas ee Baydhaba oo go’doon ku jirta muddo laba toddobaad ah.