Al-Shabaab oo jab culus la gaarsiiyay maanta + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan aya kasoo baxaya howlgal khasaare culus maanta lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Sidoo kale waxaa howlgalka ka qayb qaatay cutubto kamid ah Duufaan oo ka tirsan ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee (NISA), ayada oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaano ku teedsan dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalkan lagu burburiyay xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.

“Geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Howlgal lagu baacsanayo firxadka koox ka tirsan khawarijta ka sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose, gaar ahaan deeganada deexda ah ee Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, iyadoo lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijta gabalkoodu sii dhacayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay in saldhigyada la burburiyay ay muddo ku sugnaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay halkaasi ky dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

“Khawaarijta ku dhuumaalaysta qaybo kamida gobolka shabeellada hoose ayaa dhibaateeya shacabka beeralayda u badan ee gobolka iyo rayidka safarayda ah ee ku safra gaadiidka dadwaynaha , balse geesiyaasha haramcad oo ka hortegaya dhibaatada shacabka ay u gaysanayaan khawaarijta ayaa howlgalo sifayna si joogta ah uga sameeya dedgaanada lagu tuhmo maleeshiyaadka firxadka ah ee khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab