Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii deegaanka Daaru-Nicma

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ay saaka waaberigii ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, kaasi oo uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray maleeshiyaadkeeda iyo ciidanka dowladda.

Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkaasi, iyada oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daaru-Nicma, islamarkaana ay burburisay saldhigyadii ciidanka dowladda ee deegaankaasi, sida ay sheegtay.

“Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday deegaanka Daarunicma oo ay saldhigyo ku lahaayeen (ciidanka) dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Ciidamada (kooxda) waxay saakay oo Jimca ah dagaal kula wareegeen deegaanka Daarunicma – ee Shabeellada Dhexe.”

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal kooban kadib ay ciidanka dowladda ay iskaga carareen deegaanka, islamarkaan ay u baxsadeen dhinaca deegaanada Al-Kawthar iyo Aadan Yabaal, ayna ku daba jiraan firxadkooda, sida lagu yiri sheegashada kasoo baxday kooxda Al-Shabaab.

Sheegashada kooxda Al-Shabaab ay kasoo saartay weerarkii saaka iyo dagaalkii xigay ee dagaal-yahaanada kooxda iyo ciidanka dowladda ku dhexmaray deegaanka Daaru-Nicma, ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijin karo.

Dagaalka saaka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo dowladda oo ku aadan sheegashada kooxda Al-Shabaab iyo khasaaraha dagaalka arroornimadii saaka ka dhacay deegaanka Daaru-Nicma.

Si kastaba, Deegaanka Daaru-Nicma ayaa kamid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda, oo ku dhawaad toban sano ka talineysay halkaasi.