Ammaanka Villa Soomaaliya oo si weyn loo adkeeyay kadib xaalad soo korortay

Muqdisho (Caasimada online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan si weyn loo adkeeyay amniga xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen digniino ku aadan weeraro horleh oo ay qorsheyneyso kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada ayaa xalay bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay ku sugayaan amniga xarunta Villa Soomaaliya iyo agagaarkeeda, cabsi laga qabo weeraro ay Al-Shabaab ka gaysan karaan halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in ciidamada ay xalay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen dhammaan waddooyinka gala xaruntan oo ay dagan yihiin madaxda ugu sarreysa ee dalka, waxaana inta badan gaadiidka iyo dadweynaha laga celinayaa aagga madaxtooyada, maadaama ay feejigaan ku jiraan ciidanka amniga.

Sidoo kale ciidamada ayaan ogoleyn in gudaha loo galo dhismaha madaxtooyada ama in laga soo baxo, waxayna dadka ku wargeliyaan inuu jiro amar guud oo lagu xadiidayo dhaq-dhaqaaqa laga sameeyo aagga Villa Soomaaliya.

Sababta ugu wayn ee arrintan loo sameynayo ayaa ah kadib digniino kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay mar kale weeraro ka fulin karto gudaha caasimada, gaar ahaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo madaxtooyada , hoteellada caasimada, baraha koontarool ee KM4  iyo xeebta Liido.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay inay heshay digniin cusub oo ku aadan in magaalada Muqdisho ay ku jiraan illaa 5 gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, isla markaana la qorsheyneynayo in lagu fuliyo weeraro cusub.

Xafiiska QM ayaa shacabka uga digtay inay tegaan goobahaasi oo ay sheegtay inay suuragal tahay in maalmaha soo socda ay beegsato kooxda Al-Shabaab.

Farriintan digniinta ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in xafiiska ay waajib ku tahay inuu mar kasta soo gudbiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo shaki abuuri karo, si looga digtoonaado.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii weerar xoogan oo lagu hoobtay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah, una badnaa dhalinyaro ku caweynayay halkaasi.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay weerar kale oo lagu beegsaday maqaayadda Top Cofee ee degmada Boondheere, halkaas oo iyana lagu laayay dad badan oo aan waxba galabsan.