Amniga masaajidada France oo la adkeeyey kadib dil arxan darro ah oo ka dhacay Masjid

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Axaddii si kulul u cambaareeyay “cunsuriyadda iyo nacaybka” kaddib markii wiil dhalinyaro ah oo Muslim ah si xun loogu dilay masaajid ku yaalla koonfurta dalka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ninka weerarka gaystay, oo weli baxsad ah, uu mindi ku dhuftay Aboubakar Cisse, oo ahaa dhallinyaro u dhashay Mali, da’diisuna ahayd 20-meeyo, isla markaana uu dilka ka dib taleefankiisa kaga duubay muuqaal uu ku aflagaadeynayo diinta Islaamka.

Weerarkan ka dhacay tuulada La Grand-Combe ee gobolka Gard ayaa noqday kii ugu dambeeyay ee taxane weerarro mindi loo adeegsaday oo Faransiiska ka dhacay sannadihii la soo dhaafay.

Dhacdadan ayaa si weyn u gilgishay madaxda sare ee dalka, iyadoo Macron uu ugu dambeyn hadal soo dhigay baraha bulshada Axaddii.

“Cunsuriyadda iyo nacaybka diimeed meel kuma laha Faransiiska. Xorriyadda cibaadada laguma xad-gudbi karo,” ayuu ku qoray bartiisa X, isagoo muujiyay taageerada uu u hayo “muwaadiniinta Muslimiinta ah ee dalkeenna”.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Francois Bayrou ayaa horay u tilmaamay weerarkan inuu yahay “dembi Islaam naceyb ah,” hase yeeshee, dacwad-oogaha kiiskan qaabilsan ayaa xusay in Islamophobia ay tahay mid ka mid ah sababaha la baarayo, balse aysan ahayn tan keliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau ayaa telefishinka ka sheegay Axaddii inuu amar ku bixiyay in la adkeeyo ammaanka masaajidda dalka oo dhan.

Qiyaastii 1,000 qof ayaa Axaddii dibadbax nabadeed ku maray waddooyinka La Grand-Combe, oo ah tuulo ay ku nool yihiin qiyaastii 5,000 oo qof, si ay u xusuustaan dhibbanaha.

Boqolaal kale ayaa isugu soo baxay magaalada Paris, halkaas oo hoggaamiyaha bidixda fog Jean-Luc Melenchon uu ku eedeeyay dowladda in ay abuurayso “jawiga Islaam naceybka” xilli arrimaha socdaalka ay yihiin mowduuca ugu weyn ee siyaasadda dalka.

Retailleau ayaa dhankiisa ku eedeeyay xisbiga Melenchon in ay fursad siyaasadeed ka raadinayaan dhacdadan.

– Muuqaalka dhibbanaha –

Baarayaashu waxay sheegeen in eedeysanaha looga shakisan yahay uu taleefankiisa kaga duubay muuqaallo uu ku jirro dhibbanaha oo xanuun la jiifa, kaddibna uu u diray qof kale oo la sheegay inuu markii dambe kusoo faafiyay baraha bulshada ka hor inta uusan tirtirin.

Ilo-wareed u dhow kiiskan, oo codsaday in aan la magacaabin, ayaa sheegay in eedeysanaha la aqoonsaday, inkastoo aan la qaban, loona aqoonsan yahay muwaadin Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Bosnia, isla markaana aan Muslim ahayn.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in ninka weerarka geestay uu markii hore salaadda la tukaday dhibbanaha xilli ay labadooduba kali ku ahaayeen masaajidka, ka hor inta uusan si xun ugu dhaawicin ilaa 50 jeer, kadibna uu goobta ka baxsaday.

Meydka Aboubakar Cisse ayaa la helay subaxnimadii Jimcaha, xilli dad kale ay yimaadeen masaajidka si ay u oogaan salaadda Jimcaha.

– “Lama dayicin” –

Guddiga Muslimiinta Faransiiska (CFCM) ayaa sheegay in uu si weyn uga argagaxay “weerarkan argagixisanimo ee lagula kacay Muslimiinta,” wuxuuna ugu baaqay Muslimiinta dalka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

“Dil lagu dhex geystay masaajid waa fal waxashnimo ah oo qalbiga ka xanuuninaya dhammaan shacabka Faransiiska,” ayuu yiri Guddiga Ururrada Yuhuudda ee Faransiiska (CRIF).

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Olivier A., ayaa la sheegay inuu ku dhashay Faransiiska sannadkii 2004, isla markaana aanu lahayn wax dembi ah oo hore loo diiwaangeliyay, sidoo kalena uu yahay shaqo la’aan.

Dacwad-oogaha gobolka, Abdelkrim Grini, ayaa sheegay in ninkan uu yahay “mid khatar sare leh” isla markaana ay “lama huraan tahay” in la qabto ka hor inta uusan geysan waxyeello dheeri ah.

Si kastaba ha ahaatee, Grini wuxuu caddeeyay in inkastoo Islamophobia ay tahay sababta ugu weyn ee ay 70-ka baarayaal diiradda saareen, haddana aysan ahayn sababta kaliya.

“Waxaa jira waxyaabo tilmaamaya in sababtan aysan noqon karin tan keliya… ama aanay ahayn sababta ugu muhiimsanba,” ayuu yiri Grini, isagoo aan faahfaahin intaas dhaafsiisan bixin.

Grini wuxuu hadalka ka jeediyay magaalada Ales oo u dhow La Grand-Combe, isagoo la socday Retailleau, oo ka tirsan garabka midigta adag ee si xooggan diiradda u saara arrimaha socdaalka iyo Islaamiyiinta.

Retailleau ayaa xusay in “suurtagalnimada in weerarku yahay mid Muslimiinta lala beegsaday aan la dayicin, taa beddelkeedana ay tahay mid si dhab ah loo baarayo.”