Laascaanood (Caasimada Online) – Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in si rasmi ah loogu aqoonsado SSC-Khaatumo Dowlad Goboleedkeedii lixaad ayaa dib u qaabeeyay khariidadda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Wuxuu wiiqay sheegashooyinkii dhuleed ee maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, wuxuuna adkeeyay hamiga istiraatiijiyadeed ee quwadaha waaweyn ee caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka, Israel, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.
Ku dhawaaqistan oo la sameeyay 14-kii Abriil, waxay timid kaddib kacdoon muddo sanad ah socday oo ay shacabka deegaannada SSC-Khaatumo kaga soo horjeedeen maamulka Somaliland. Beesha Dhulbahante oo u badan deegaankaas, ayaa shaacisay inay daacad u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay ciidamada Somaliland ka eryeen magaalada Laascaanood bishii Agoosto 2023.
“Dadka SSC-Khaatumo waxay ka gadooden cadaadiskii Somaliland ee soo bilowday sanadkii 2007,” sidaa waxaa yiri Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, la-taliyaha sare ee hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali. “Waa Soomaali waddaniyiin ah oo had iyo jeer rumaysnaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Gooni-u-goosadku marna ma ahayn qorshahooda.”
Muddo bilooyin ah, magaalada Laascaanood waxaa lagu garaacayay duqeymo culus oo ay wadeen ciidamada Somaliland, kuwaasoo khasaare gaarsiiyay iskuullo, masaajiddo, isbitaallo iyo guryo, isla markaana sababay barakaca in ka badan 200,000 oo qof. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka intii ay colaaduhu socdeen, wuxuuna sii waday maamulka illaa aqoonsiga rasmiga ah laga helay sanadkan.
Aqoonsigani wuxuu si cad hoos ugu dhigay baaxadda dhulka ay Somaliland sheegan jirtay ilaa qiyaastii 45%. Tallaabadan ayaa su’aalo weyn dhalisay oo ku wajahan Mareykanka iyo Israel, oo hore uga fiirsanayay inay aqoonsadaan Somaliland si ay saldhigyo militari uga samaystaan meel u dhow Badda Cas.
“Hadda maxay Mareykanka iyo Israel aqoonsan doonaan—Somaliland oo kala go’day?#8221; ayuu isweydiiyay Xaashi.
Loolanka awoodda ayaa sidoo kale dib u soo nooleeyay dareennada waddaniyadeed ee gobolka Awdal, oo ka tirsan waqooyi-galbeed Somaliland, halkaas oo dadka deegaanku ay kasoo horjeedaan maamulka Hargeysa ayna ku baaqayaan in lagu daro nidaamka federaalka Soomaaliya.
Loollanka quwadaha caalamka iyo danaha istiraatiijiyadeed
Saamaynta caalamiga ah ee aqoonsiga SSC-Khaatumo way ka ballaaran tahay xuduudaha Soomaaliya. Xiisaha Mareykanka iyo Israel ee Somaliland ayaa qayb ahaan salka ku hayay goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo ee ah meel u dhow Gacanka Cadmeed, oo kaabiga ku haysa xeebaha Yemen ee ay maamulaan Xuutiyiintu. Aaggani wuxuu noqday mid sii muhiimsan xilli ay socdaan khalkhalgelinta maraakiibta ee Badda Cas, taasoo ay wadaan kooxda Ansar Allah ee Yemen (Xuutiyiinta), iyagoo taageeraya Falastiin.
Sida wararku sheegayaan, Israel waxay baaritaan ku samaysay qorshayaal ay ku doonaysay inay ku aqoonsato Somaliland, ayna xitaa ka fikirtay in Falastiiniyiinta Gaza ka barakacay qaarkood loo raro deegaankaas—tallaabadaas oo uu Xaashi ku tilmaamay “mid aan sinaba loo aqbali karin oo aan suuragal ahayn.”
“Shacabka Soomaaliya iyo kuwa Somaliland labaduba waxay si weyn u taageersan yihiin Falastiin,” ayuu carrabka ku adkeeyay. “Dhul Soomaaliyeed oo diyaar u ah inuu qaabilo qaxooti intaas le’eg ma jiro, tallaabada noocaas ahna waxay kicin lahayd caro baahsan.”
Inkastoo madaxda Somaliland ay beeniyeen inay soo bandhigeen inay qaabilaan qaxootiga Gaza, haddana wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ay soo jeediyeen fikraddaas si ay aqoonsi uga helaan Washington. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah tan ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay isla markaana hadda kursi ku leh Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ah hay’adda leh awoodda ugu weyn ee diblamaasiyadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mareykanka u bandhigay inuu isticmaali karo saldhigyada cirka iyo dekedaha Soomaaliya, oo ay ku jirto dekedda Berbera—oo hore loo arkayay inay tahay kaarka ugu muhiimsan ee Somaliland ku gorgortanto.
“Mareykanku uma baahna inuu aqoonsado Somaliland si uu u ballaariyo joogitaankiisa militari,” ayuu yiri Xaashi. “Dowladda Federaalku waa tan maamusha xuduudaha la aqoonsan yahay, Muqdisho ayaana iska leh go’aanka kama dambaysta ah.”
Isutagga Imaaraadka Carabta, oo si weyn u taageera dadaallada gooni-u-goosadka Somaliland, ayaa maalgashi ballaaran ku sameeyay sidii loo heli lahaa aqoonsi, iyadoo sidoo kale dhisaysa saameyn dhaqaale oo ku salaysan heshiisyo dekedo oo ay la gashay Somaliland iyo Puntland. Dhanka kale, Turkiga, oo ah taageere xooggan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka soo horjeeda madaxbannaanida Somaliland wuxuuna maamulaa kaabayaasha muhiimka ah ee Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha iyo dekedda.
“Imaaraadka Carabta iyo Turkigu waxay ku jiraan loollan wakiilnimo oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu sharraxay Xaashi. “Imaaraadku wuxuu hub siiyaa maleeshiyaad ku sugan Somaliland, Puntland, iyo Jubaland, halka Turkigu uu taageero ciidamada Dowladda Federaalka.”
Tobannaan sano oo faragelin shisheeye ah
Tartankan shisheeye wuxuu sii xoojiyay kala qaybsanaanta gudaha Soomaaliya. Imaaraadka Carabta ayaa iska indha tiray Dowladda Federaalka isagoo heshiisyo maamul dekedo la saxiixday shirkadda DP World, si uu u maamulo dekedaha Berbera iyo Boosaaso. Sawirro laga qaaday dayax-gacmeedka ayaa xaqiijiyay in nidaamyo radar oo Israel leedahay la geeyay meel u dhow xarumo uu Imaaraadku ka maamulo Boosaaso, taasoo muujinaysa muhiimadda militari ee sii kordhaysa.
Degganaansho la’aanta siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa muddo dheer waxaa saamayn ku lahaa faragelinta shisheeye. Duullaankii Itoobiya ee 2006, oo uu Mareykanku taageerayay ee lagu afgambiyay Midowgii Maxkamadaha Islaamka, wuxuu horseeday xasilooni darro keentay soo bixitaankii Al-Shabaab. Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay Jaamacadda Brown (Costs of War Project), siyaasadda Mareykanku inta badan kuma guulaysan soo celinta xasilloonida, inkastoo lagu kharash gareeyay in ka badan $2.5 bilyan dagaalka ka dhanka ah kooxdan.
“Hawlgallada nabadsugidda la sheego ma noqon kuwo wax ku ool ah, waxayna inta badan u dhaqmayeen si ay naftooda u ilaashadaan,” ayuu yiri Xaashi. “Qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ayaa xitaa lagu qabtay iyagoo hub ku iibinaya suuqa madow.”
Hadda oo SSC-Khaatumo si rasmi ah uga mid noqotay Soomaaliya, Dowladda Federaalku waxay raadinaysaa inay adkayso awooddeeda, iyadoo sidoo kale isku dheellitiraysa danaha shisheeye ee iska soo horjeeda.
“Goobta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya waxay ka dhigaysaa bartilmaameed quwadaha waaweyn ee caalamka,” ayuu xusay Xaashi. “Laakiin midnimadu waa asaaska madaxbannaanida. Midnimo la’aan, Soomaaliya waxay u nuglaanaysaa faragelin dibadeed.”
Iyadoo quwadaha iska soo horjeeda ay sii wadaan loollanka saamaynta ee Geeska Afrika, aqoonsiga SSC-Khaatumo wuxuu astaan u yahay isbeddel muhiim ah—ma aha oo kaliya siyaasadda gudaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale isku-dheelitirka awoodda ee mid ka mid ah gobollada adduunka ugu muhiimsan ee dhinaca istiraatiijiyadda.