Aqriso: Heshiis laga gaaray khilaafkii Cabdi Xaashi iyo Saalax ee kursiga Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Sen. Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si wadajir ah heshiis uga gaaray khilaafkii shaqsiga ahaa ee u dhaxeeyay.

Khilaafka labada masuul ayaa salka ku hayay kursiga #UH50 ee guddoomiya Cabdi Xaashi uu sheegay inuu bannaan yahay, maadaama uu Senator Saalax Jaamac aanu soo xaadirin afar kalfadhi, sidaasna uu ku waayay xubinnimada Aqalka Sare.

Dadaallo loogu lala dab-qaadayay labada dhinac saacadihii u dambeeyay ayaa kusoo idlaaday isfaham, kadib markii ay soo fara-galiyeen xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana xal kama dambeys ah looga gaaray khilaafka labada nin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo saaray warqad uu uga tanaasulayk go’aankiisa maamul ee kursigaasi uu ka soo saaray, taas oo ka dhigan inuu Senator Saalax Axmed Jaamac uu sii wadanayo xilkiisa Senatarnimo.

“Markaan tixgelitay marxalada uu dalka ku sugan yahay, isla markaana garowsaday inay mudan tahay in loo turo dowladnimada cardunka ah ee ka jirta Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kana laabto go’aanka maamul ee kursigan,” ayuu Cabdi Xaashi ku yiri qoraalka.

War-saxaafadeedyo ay labada mas’uul soo saareen ayay ku shaaciyeen heshiiska ay gaareen, iyada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu ku sheegay in sida ugu haboon lagu dhameeyo ismaandhaafkii soo dhex-galay isaga iyo Cabdi Xaashi.

“Waxa aan degaan doorashada aan metelo UH50 iyo ummadda Soomaaliyeed ugu sii shaqeyn doonaa xubinnimada Golaha Aqalka Sare,” ayuu Saalax ku yiri qoraalkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalada labada masuul;