Xasan oo farriin culus ka soo diray furimaha dagaalka

Wargaadhi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo diray farrin uu ciwaankeedu yahay “SOOMAALIYA WAA AY KA GUULEYSANEYSAA CADOWGA KHAWAARIJTA AH ALLE IDAMKII.”

Madaxweynaha oo shalay iyo maanta ku sugnaa deegaanka Wargaadhi ayaa u kuur-galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulamo kula qaatay odeyaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dadka reer Wargaadhi uga warbixiyey sida ay dowladdu u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaanka Wargaadhi, kaas oo aad u weyn una fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada ah.

Xasan Sheekh ayaa mar kale Tuutaha u xirtay halganka xoreynta dalka, waxaa socda qorshe dib loogu abaabulayo dagaalka, waxaana dhowaan la qorsheeyey in dhowr jiho ay ciidamadu ka dhaqaaqaan, si loo gaaro goobaha ay Al-Shabaab kala dhuumaaleysanayaan gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa dhageystay baahiyaha ay qabaan ciidamada xoogga dalka ee u baxay baacsiga Khawaarijta, wuxuuna saraakiisha siiyey waajibaad dagaal, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.