Dhuusamareeb (Caasimada Onlin) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybteeda 21-aad ee Galmudug ayaa maanta waxaa la horgeeyay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan inay kasoo baxeen furimaha hore ee dagaalka, xilli ay jirtay xaalad adag.
Xeer ilaalinta ayaa askarta iyo saraakiisha lasoo xiray oo uu ku jiro hal sarkaal oo boolis ah ku eedeysay in ay sameeyeen dayaacad, ayna ku kaceen fal ka baxsan anshaxa ciidamada.
Sidoo kale xafiiska xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya sababta ka dambeysay inay kasoo baxaan furimaha dagaalka xilli la wajahayay kooxda Al-Shabaab.
Waxaa kale oo loo haystaa inay sameeyeen amar diido ay sameeyeen, kadib markii ay si iskood ah uga soo baxeen howlgalkii loo diray iyo dagaalka ay kula jireen Khawaarijta.
Saraakiisha kasoo muuqday maxkamadda ayaa waxaa kamid ah:-Xiddigle Xoogga dalka Cabdi Maxamed Cumar, Xiddigle Xoogga Muxidiin Cumar Cismaan, Xiddigle Xoogga Calas Muumin Barre, Cabdulqaadir Maxamed Cumar iyo Xiddigle Boolis Cumar Maxamed Cumar oo ah taliyaha ciidanka saldhigga Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Dhankooda Qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa maxkamadda horteeda ka bixiyay cudur-daar, waxayna dalbadeen in la cafiyo oo xoriyaddooda dib loogu soo celiyo.
Ugu dambeyn, gddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 21-aad ee Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray soo xiray dhageysiga dacwadda eedeysanayaasha, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib kasoo saari doonaan.