Askar ka tirsan NISA oo xukun adag lagu riday maanta kadib markii lagu helay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku riday askar ka tirsan NISA iyo xoogga dalka oo ku eedeysan kiisas dil, afduub iyo dhac.

Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow), Dable Nisa Cabdi Axmed Caddow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisi ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta afduub iyo bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaasha oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd 10-kii bisha April ee sanadkaan 2024.

Kahor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa. Eedeysaneyaasha oo baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 6-dii bishaan July.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay, Ex-Dable Xoogga Axmed Qataatow iyo Ex-Dable Nisa Cabdi Caddow dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Isxaaq, halka Ex-Dable Nisa Farxaan Cilmi lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye Shuute.