Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Sabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo ku socdaalayay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka lambar 60 ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.
Al-Shabaab oo guul ka sheegatay weerarkan ayaa shaacisay inay goobta ku dishay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.
Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan khasaaraha dagaalkaas iyo weerarka ka horeeyay, mana jiro war kasoo baxay ATMIS.
Dhinaca kale weerar kale oo loo adeegsaday madaafiic ayaa isla xalay kooxda Al-Shabaab waxa ay ku qaaday saldhig kale oo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Bur-Culow oo hoosataga magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.
Inta badan kooxda ayaa beegsata saldhigyada ATMIS ee gobolka, waxaana la xasuustaa weerarkii Buulo-mareer oo lagu dilay ugu yaraan 57 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda.