Awoowaha carruurta LUUL oo war yaab leh kasoo saaray go’aanka maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Warsame oo ah Awoowaha carruurta ay ka geeriyootay Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa maanta la hadlay warbaahinta, kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Sare oo dil ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud.

Awoowaha ayaa si adag uga horyimid go’aanka maxkamadda, wuxuuna sheegay in xaqa carruurta uu awoowaha u yahay la dood-siiyay, sida uu ku dooday.

Maxamed Cabdullahi ayaa sheegay inuu rabay in kiiska lagu dhameeyay waxa ay ka qabto shareecada islaamka, isla markaana la tixigeliyo go’aanka carruurta yar yar oo ugu yaraan lala sugu inta ay ka qaan-gaarayaan waa sida uu ku dooday Sodogii hore ee Luul C/casiis.

“Maxkamadda Sare ee dalka dukumintiga way iga qaban weysay xukunkii xaqa Ilaahey waa diiday waxaan u sheegeynaa wax alaale wixii arrimahaas ku shuqo leh iyo caalamka inaan ku dul-manahay haddii aan ahay aabaha dhalay caruurta aabahood” ayuu yiri Awoowaha.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxay yeelanayaan in laga qayb-geliyo go’aanka haddii la gaarsiinayo marka ay qaan-gaar noqdaan iyo haddii uu xukunka dhacayo, arrintaasi ma dhicin”.

Dhinaca kale ehellada marxuumad Luul Cabdicasiis ayaa soo saaray war ka duwan midkan, waxayna soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee dalka.

“Waan ku faraxsanaay xukunka maanta kasoo baxay maxkamadda, waana ayidsanahay 100% insha allah wax walbana Ilaah aktiisa ayay jiraan.Waxaan dooneynay cadaalad uun-beyn aheyd ugu dambeyna waan ka helnay dowladda, wayna ku mahadsan tahay” ” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Si kastaba, Tallaabad ay qaaday Maxkamadda Sare ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali Macalin, maadaama aanu haysan fursad kale oo uu uga qaadan racfaan karo xukunka dilka ah ee maanta mar kale lagu xukumay.