Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay gobol loogu magac daray Raas Casayr + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe ayaan ansixiyay gobol cusub oo loogu magac daray Raas Casayr.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ah guddoomiyaha Golaha, waxaana wehelinayay ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ugu horreyn Golaha ayaa ka dooday Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaas si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalmihii la soo dhaafay.

Kadib Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh waxaa ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerkan oo ay Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin.

Sidoo kale Xildhibaanada Puntland ayaa kulankooda cod aqlabiyad leh waxay ugu meel-mariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr oo horay loo oran jiray Gardafuu.

Waxaa Oggol ugu codeeyay illaa 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu ku dhowaaqay guddoonka sare ee Golaha Wakiilada Puntland.

Ugu dambeyn waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa hadda wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku qabteen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.

Arrinta ayaa kasii dartay markii baarlamaanka la horgeeyay wax ka beddalka dastuurka Puntland, taas oo dagaal gacan ka hadal ah ka dhalisay gudaha magaalada Garoowe.