Ballan-qaadyada aan weli fulin ee maanta ka wada-hadleen Somalia iyo Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada-hadal cusub kala yeelatay dowladda Sacuudiga ballan-qaadyo muhiim ah oo aan weli fulin.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC ku qaabilay safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga Danjire Aweys Xaaji, ayaa looga hadlay daba-galka ballan-qaadyadii hore.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen xarunta King Salmaan iyo Sa’udi Fun.

Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg-degga ah ee maamul gobolleedyada.

Mashaariicda muhiimka ee qeybta ka ahaa ballan-qaadyada Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo ambalaasyo, kuwaasi oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hay’adda SODMA, oo wakiil ka ah dowladda federaalka ah.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, islamarkaana xilligan taageero kala duwan siisa dowladda federaalka Soomaaliya.