Bandhig sawireed iftiiminaya waayaha nolosha ee caruurta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Matxafka Qaranka

Muqdisho, Soomaaliya – 28-ka Agoosto 2024 – Bandhig sawireed xiiso leh oo lagu magacaabo “Dhaliy Baydhaby” oo lagu iftiiminayo waayaha carruurta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Matxafka Qaranka Soomaaliya. Munaasabaddan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Somali Arts Foundation (SAF) iyo UNICEF, ayaa waxay dadka kasoo qeybgalay loogu soo bandhigay sawiro ka tarjumaya nolol-maalmeedka carruurta ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo.

Bandhiggan xiisaha badan, oo lagu soo bandhigay sawirro uu qaaday Saciid ‘Fadhaye’ Axmed Muuse, ayaa ka koobnaa sawirro xambaarsan dareen xooggan oo ka sheekeynaya nolol-maalmeedka 40 carruur ah oo ku dhex nool bulshooyinka ugu nugul ee Soomaaliya. Sawir kastaa wuxuu muujinayaa adkeysiga, rajada, iyo caqabadaha maalinlaha ah ee carruurtan ay wajahayaan.

Bandhiggan ayaa ahaa gunaanadka mashruuc ballaaran oo ay SAF, oo ay taageerayso UNICEF, ku doonayso inay kor ugu qaaddo codadka carruurta laga tirada badan yahay. Iyada oo loo marayo taxane aqoon-isweydaarsi farshaxan iyo sawir-qaadis ah, carruurtani waxay fursad u heleen inay si hal-abuur leh u muujiyaan waaya-aragnimadooda, taasoo ku soo gabagabowday sawirrada dareenka banii’aadanimo xambaarsan ee lagu soo bandhigay munaasabadda.

“Sawirradani waxay muujinayaan codadka carruurta muddada dheer la aamusiyey,” ayay tiri Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waa inaan dhageysannaa codadkan, fahannaa sheekooyinkooda, oo tallaabo ka qaadnaa si aan u ilaalinno xuquuqdooda.”

Xafladda ma ahayn oo kaliya bandhig faneed ee waxay sidoo kale ahayd safar soo koobaya waayaha nololeed ee ubadka Soomaaliyeed. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa waxa ka mid ahaa sawir-gacmeed ay carruurtu sawireen, muuqaal muujinaya waayo-aragnimadooda iyo rajada mustaqbalka ee ay hiigsanayaan.

“Farshaxanku wuxuu awood u leeyahay inuu wax bogsiiyo, inuu sheego sheekooyin aan ereyadu karin,” ayuu yidhi Fadhaaye Axmed Muuse. “Carruurtan waxay la soo noolaadeen dhibaatooyin aan la qiyaasi karin, haddana waxay heleen hab ay ku muujiyaan rajadooda iyo riyooyinkooda iyagoo adeegsanaya farshaxan. Sheekadooda waxay mudan tahay in dunidu aragto oo maqasho.”

Bandhiggu sidoo kale wuxuu soo bandhigay sheekooyin qiiro leh oo laga soo ururiyey carruurta iyo bulshooyinkooda, kuwaas oo sawirrada macno iyo xamaasad ku kordhinaya. Sheekooyinkan waxay muujinayaan baahida degdega ah ee loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo ilaalinta carruurta ku nool Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laga tiro badan yahay.

Guusha “Dhaliy Baydhaby” waxaa iska kaashaday hay’ado dhowr ah. Ururka Save Somali Maginalized and Minorities Organisation (SASMO) ayaa door muhiim ah ka ciyaartay fududaynta ka qaybgalka carruurta, iyada oo hubinaysa in aan codkooda la maqlin oo keliya balse loo dabbaaldego.

“Bandhiggan wuxuu cadeynayaa waxa la gaari karo marka aan wada shaqeyno si aan u awoodsiinno kuwa ugu nugul bulshadeena,” ayay tiri XXX, wakiil ka socda SASMO. “Carruurtani waxay noo muujiyeen adkaysigooda iyo awooddooda, waana mas’uuliyaddeena inaan ku taageerno qaab kasta oo suurtagal ah.”

Intaa waxa sii dheer, Sagal Cali, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Mu’asasada Fanka Soomaaliyeed, ayaa iyaduna ka warbixisay aragtideeda ku aaddan muhiimadda bandhigga: “Waxaan aaminsanahay awoodda uu farshaxanka u leeyahay in uu isbedel keeno, bandhiggani wuxuu caddeeyey sida hal-abuurku u noqon karo qalab awood leh oo loogu ololeeyo xuquuqda carruurta.  Markaan siino carruurtan fursad ay ku muujiyaan xirfadahooda, waxaan sidoo kale muujineynaa baahida degdega ah ee loo qabo in sheekooyinkooda la maqlo oo bulsho weynta wax ka qabato.”

Markii bandhiggu soo dhammaaday, farriintu waxay ahayd mid cad, sheekooyinka carruurtan waa inay keenaan ficil. SAF iyo UNICEF waxa ay sahminayaan fursadaha ay “Dhaliy Baydhaby” ku geyn karaan gobollada kale, iyaga oo rajaynaya in ay dhaliyaan wada-hadal caalami ah oo ku saabsan xuquuqda iyo baahiyaha carruurta Soomaaliyeed.

“Sawirada halkan lagu soo bandhigay maaha farshaxan oo keliya – waa baaqyo waxqabad,” ayay tiri Caasho Cabdullaahi Axmed. “Waa in aan hubinno in ilmo kasta oo ku nool Soomaaliya, iyo adduunka oo dhan, uu helo fursad uu ugu noolaado nolol sharaf iyo rajo leh.”

Bandhiga “Dhaliy Baydhaby” waxa uu saameyn ku yeeshay dhammaan dadkii ka soo qeyb galay, taasoo xasuusin xooggan u noqotay adkeysiga ubadka Soomaaliyeed. Iyada oo la adeegsanayo kaamarada, da’yartan ayaa la siiyay madal ay sheekadooda kula wadaagaan adduunka – taas oo caddaynaysa awoodda isbeddelka ee farshaxanka.

***DHAMAAD***