BF oo dood adag ka yeeshay sharci muhiim ah oo la hor-geeyay iyo guddi loo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kal-fadhiga shanaad kulankiisa afaraad, kaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka.

Xildhibaanadda golaha shacabka oo dood kulul, islamarkaana saacado qaadatay ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa aad uga dooday qodobada hindise sharciyeedkan, muhiimada uu waddanka u leeyahay iyo sidoo kale hadii uu miisaaniyad leeyahay.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Osman ayaa sheegay in hindise sharciyeedkan uu hore usoo maray akhrinta koowaad, islamarkaana uu marayo akhrintiisa labaad.

Wuxuu dhanka kale sheegay inuu miisaaniyadiisa wato maadaamaa dooda xildhibaanadda ee maanta ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in xildhibaanada ay aad uga doodeen qodobada hindise sharciyeedkan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoonka golaha uu deg-deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda golaha shacabka kulankii kan ka horeeyay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn.

Guddigan ayaa warbixintooda goloha ku soo celin doona, islamarkaana uu qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro doono, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.