Baarlamanka oo war culus kasoo saaray weeraradii Top Coffee iyo Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirsaaaq Ciid oo ku hadlayay afka Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu xubin ka yahay ayaa si kulul uga hadlay weeraradii ugu dambeeyay 72 saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare xoogan.

Xildhibaanka oo ka hadlayay qaraxii xalay ka dhacay Maqaayadda Top Coffee iyo weerarkii ka horreeyay ee xabsiga dhexe ayaa sheegay in ay yihiin wax aan loo dulqaadan karin, wuxuuna tilmaamay inay muujinayaan inuu faraha kasii baxay amniga caasimada dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay dalbanayaan isla xisaabtan dhab ah, si ay cid u qaadato mas’uuliyiinta dhibaatooyinkaasi dhacay.

“Runtii wax mar walba qalad ah oo wax loo dulqaadan karo ahayn inuu fal dambiyeen dhacdo dadna lagu gumaado lagu laayo, haddana aan hal qof loo soo xirin, hal mas’uulna aan shaqada looga qaadin” ayuu mar kale yiri xildhibaan Cabdirsaaaq Ciid.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Baarlamaan ahaan waxaan rabna in sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas, jawaab cad ayaan ka rabnaa dowladda”.

Cabdirisaaq Ciid ayaa tilmaamay inay shaki wayn muujinayaan weeraradan marka loo fiiriyo goobaha lala beegsaday oo si wayn loo ilaaliyo amnigooda.

“Lama fiirsan karo in xabsiga dhexe ee Soomaaliyeed oo sidaa ognahay loo ilaaliyo in gudaha hub loogu dhex geeyo ay ka dhex dagaalamaan dadna ay ku laayaan” ayuu yiri.

Weeraradan is xig xigay ayaa kusoo aaday, ayada oo bilihii lasoo dhaafay ay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyadii horay uga dhici jiray caasimada, kadib qorshe ay la timid dowladda.