BF oo war ka soo saaray mushahar la’aanta ay ka cabanayaan ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga amniga iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay mushaaraadka la’aanta maalmahaan cabashada ay ka muujinayaan ciidamada xooga dalka.

Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa oo kamid ah xubnaha guddiga difaaca ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku socdo dib u habeyn, taasi oo qasabtay in ciidamo badan oo qaabab kala duwan dhaqaalo ku qaadan jiray lasoo saaray.

Wuxuu sheegay in ciidamada laga soo dhex saaray dad magacyo badan dhaqaalo ku qaadan jiray, kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo ugu badan ee cabashada muujinaya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in ciidamada dowladda ay yihiin kuwo xukuumadda hadda jirta ay ahmiyadda koowaad ay siiso, isaga oo sheegay in ciidamada ay qaataan lacagaha ugu horeeya ee dowladda.

“Ciidamada waxaa ku socda dib u habeyn iyo in Tayadooda kor loo qaado, waxaana lasoo afjarayaa in lacago la iska qaato, xeryahooda ayaana lagu celinayaa, sidaad og tahay ahmiyadda koowaad waxaa ah ciidamada qaranka, iyaga ayaana la siiyaa lacagta koowaad”.

“Waxaan taageersanahay in dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada qaranka, waxaa socda dib u habeyn ciidamada qalabka sida lagu hayo, waxaana kuu sheegayaa in dhaqaalahasi ay qaateen ciidamada diiwaan gashan”ayuu yiri Mr Warfaa.

Sidoo kale shalay waxaa sidaan oo kale cadeeyay in ciidamada lacagahooda qaataan wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, isaga oo sheegay in laga gudbayo waqtigii magacyada badan musharaadka lagu qaadan jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com