Biixi oo sheegay in uusan dhaqan-galeyn go’aankii DF, weerarna ku qaaday Xasan

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fartay shirkadaha iyo xawaaladaha ka shaqeeya Somaliland in ay adeegooda ku bixiyaan magaca Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu rabo in uu cuna-qabateeyo Somaliland, isaggoo sheegay in aysan marnaba gudaha Somaliland ka dhaqan-galeyn amaradda noocaasi ah ee kasoo baxa dowladda federaalka.

Biixi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in go’aanka xawaaladaha lagaga joojinayo isticmaalka magaca ‘Somaliland’ aanu socon doonin, isaggoo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

“Talo xumada koowaad waxa weeyi madaxweynaha Xamar joogaa, isaga oo Xamar aan gurigiisa ka xukumin, oo meel walba ajinabi u ilaalinayaan ayuu waxa uu meel walba soo saaraya waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto, baananku ma tagi karaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Naftii hafar gurigiisa ma ilaalin karo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya aanu ahayn colaad ka timid dadka shacabka ah, laakiin ay tahay mid ka timid koox uu sheegay “in ay jar ka tuurayan Soomaaliya.”

Waxa uuna intaas ku daray “in anay waxba ka qaadi karin Somaliland,” isla markaana ay iska difaacayaan cid kasta oo khatar galisa.

Hadalka madaxweyne Biixi ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay shirkadaha xawilaadaha, gaar ahaan Dahabshiil, Jubba Express iyo adeega Paysii iyo weliba shirkadaha kale ee lamidka ah u qabatay in magaca Soomaaliya ay adeeg kasta ku qoraan ugu dambeyn 1-da bisha soo socota ee September.

“Fulinta amarkaan waxaa la farayaa shirkad kasta oo wada shaqeyn ay kala dhaxeyso shirkadaha ku xadgudbaya qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri amarka dowladda federaalka.

Wasaaradda Ganacsiga oo si gaar ah uga soo baxay amarkan ayaa ku wargelisay shirkadii ama xawaaladii jebisa amarkaan in loo tixgeli doono inay si bareer ah u jebisay amarka dowlada kana soo horjeedo qaranimada Soomaaliya.