Blinken oo tegaya Tel Aviv, si uu Israel ugu cadaadiyo hal arrin

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah gaaro Israa’iil.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dadaalka diblumaasiyadeed ee Washington ay ku dooneyso in xabad joojin laga gaaro dagaalka Gaza, taasi oo haddii lagu guulaysto soo afjareysa dagaalka 10-ka bilood jirsaday ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Safarka 10-aad ee dublamaasiga ugu sareeya Mareykanku uu ku tagayo gobolka, tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Waxay sidoo kale ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii Mareykanku uu soo bandhigay hindise isku dhafan oo dhexdhexaadiyeyaasha isugu jira Maraykanka, Qatar iyo Masar ay rumeysan yihiin in lagu soo gaabin karo farqiga u dhexeeya dhinacyada is haya.

Saraakiisha Maraykanka waxay tibaaxayaan inay jirto rajo cusub oo ah in caqabadaha laga gudbo, laakiin sidoo kale ay weli jiraan qodobo shaqo u baahan.

Dhanka kale xoghaye Blinken ayaa la filayaa inuu la kulmo ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo saraakiil kale.

Haddii aan guul laga gaarin wadahadaladan, waxay u muuqdaan inay gobolka ku soo riixayaan inuu cagaha la galo dagaal baahsan.

Iran ayaa ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto Israa’iil kadib dilkii Hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay Tehran 31-kii July.