Booliska DF oo soo saaray digniin adag oo 7 qodob ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed digniin ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya ayaa loo diray Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka ka howlgala magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso qodobada oo dhameystiran:

Dhamaan Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka Waxaa Lagu Wargalinayaa Arimaha Hoos ku Xusan kuwaas oo kala ah:

1. Waxaa Macnuuc ah in La kaxeeyo ama la wato  Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha

2. Waa in ay islahaadaan  Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada hadii ay islahaan waayaan waxaan Laga qaadi doonaa Talaabo Adag

3. Waa in Gaariga kasta uu ka diiwaan Gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuura

4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumada Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub .

5. Waxaa Mamnuuc  ah  in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida  (Xafarka A ama B  ) Jesnambarka  ,Taargad Iyo I W M loo Guuriyo Mooto Kale oo aan Laheyn Macluumaadkaas

6. Waxaa si gaar ah  Loogu Wargalinayaa Milkiilashaada  iyo Howl wadeenada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta  in Aan  Xuduudaha Caasimada laga soo gelin Karin  Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale

7. Waxaa la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida  Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin Adag Oo waafaqsan Sharciga.