Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay gabar kale oo caan ah – Maxaa loo heystaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan).

Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isna la xiray Catoosh Yare oo caan ka ah baraha bulshada, inkastoo booliska Soomaaliya aysan shaacin xarigiisa.

Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu socoto.

Muqdisho waxay boolisku ku beegsanayaan dadka baraha bulshada ku faafiya anshax xumada, aflagaadada iyo kicinta colaadaha, waana tallaabo aad loo mahadiyey oo qeyb ka qaadaneysa xasiloonida bulshada iyo yareynta fasahaadka.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa isku garab wada sugidda amniga iyo la dagaalanka anshax xumada, waxaana qofkii lagu arko loo taxaabayaa xabsiga.

Qiyaastii 40 dhalinyaro ah ayaa muddo ku dhow 3 bilood xabsiga ku jira, kuwaas oo toddobaadkii hore lasoo taagay maxkamadda gobolka Banaadir, dhamaatood dadkaasi waxay caan ka ahaayeen oo dembiyada loo heysto ay ku galeen aalada TikTok.

Markii laga reebo in lasoo xiray inta badan dadkii caanka ku ahaa faafinta anshax xumada, hadda waxaa joogsatay oo lagu guuleystay in meesha laga saaro dhaqankii dhalinyarada qaar oo soo bandhigi jiray muuqaalo anshax darro ah.