Booliska oo war kasoo saaray qaraxa Iskuul Buluusiyo + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo uu fuliyay naftii halige isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay barxadda dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Buluusiyo, iyada oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Booliska ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6 ruux oo kale.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda xerada, halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado, sida uu sheegay booliska.

Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan gudaha magaalada, waxaana uu dhacay xilli uu maanta ababar askar badan uga socday xerada.

Dhawaan unbey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gaari walxaha qarxa kasoo buuxisay ku weerartay bar-koontarool oo ku yaalla degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya.

Kooxda oo howlgallo ka dhan ah ka socdaan gobollada dhexe ayaa u muuqata mid culeys soo saareysa caasimada, si ay weli u muujiso inay awood u leedahay fulinta weeraro, kuwaas oo inta u badan waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka.