Boqor Burhaan oo war lama filaan ka soo saaray qorshaha shidaalka lana safta DF

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay imaatinka markabka Oruç Reis oo Soomaaliya ka sameyn doona hawlo shidaal baaris ah.

Burhaan oo qoraal soo saaray ayaa Turkiga ku ammaanay tallaabadan oo ku tilmaamay mid caalamka u cadeynaysa in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo.

“Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Boqor Burhaan.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga mahad-celiyay dadaalka dheer ee u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna ee aan marna laga faa’ideysan.

Hoos ka aqriso qoraalka

BISMILLAAH

Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa imaanshaha markabka cilmi-baarista iyo sahminta ee ORUC REIS si uu hawlo shidaal baaris ah uga sameeyo biyaha Soomaaliya.

Hindisahan ayaa markhaati kale u ah xiriirka qotoda dheer ee Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirkaas oo gaaraya qarniyaal badan.

Turkigu waxay Soomaaliya u yimaadeen in ay nafta dadka Soomaaliyeed badbaadiyaan kadib macaluushii dalka ka dhacdey 2011 waxayna maanta maraysaa iskaashi lagu soo saarayo shidaalka iyo kheyraadka dalkeena.

Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale.

Walaalaha Turkiga iyo hoggaaminta wanaagsan ee Madaxweyne Erdoğan waxay u caddaysay caalamka in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadiisa oo dadaal dheer u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadkeena aan marna laga faa’ideysan.